Wasiirka Maaliyada JSL oo shaaciyey Cadadka Lacagta Doorashooyinka ugu jira Miisaniyada 2022-ka
Miinaasiyada Somaliland ma jirto cid kabta oo gacan dhaqaale ina siisa,mana jirto dayn aynu ka qaadano baananka Caalamka,Kaliya waxaynu isku filaysiinaa dakhliga ka soo xerooda Ilaha dakhli ee dalka.
Hadii ay kala bataan dakhliga iyo kharashka aynu isticmaalo waxay sababaysaa hoos u dhac ku yimaada shilinkeena iyo sicir bararka oo sii socda.Waxaa sidaa Yidhi Wasiirka Horumarinta Maaliyada Sacad Cali Shire oo miisaaniyad sanadeedka 2022 Hor geeyay Golaha Wakiilada S/land.
Sidoo kale Wasiirka maaliyada Somaliland wuxuu sheegay in miisaanyada 2022 lagu daray Kharashka doorashooyinka dhici doona sanadka 2022 .Wasiirka maaliyada ayaa sheegay in 28 bilyan ay ugu talo galneen Doorashooyinka Soo socda ee sanadka 2022
Beesha caalamka ayaa kharashka doorashooyinkaas bixin doonta 75 % halka Somaliland ay bixin doonto 25 %.