Ra’iisul wasaare Rooble oo Mar kale Ka Hadlay Xaaladda cakiran Ee Doorashada
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in xaaladda cakiran ee dalka Soomaaliya kaliya looga gudbi karo in dhacdo doorasho heshiis lagu yahay.
Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in is jiidjiidka doorashada ay sababeen hoos u dhac ku yimid Ganacsiga dalka, wuxuuna si cad u sheegay in doorashada kadib waxkasta ay sidooda kusoo laaban doonaan.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in ka xukuumad ahaan ay ka go’an tahay in dalka doorasho ka dhacdo, sidoo kalena ay jiraan dad doonaya inay doorashada hakiyaan oo qorsho kale ka dhex raadinaya.