” Maamulka Puntland ayaa jebisay xabbad-joojintii shalay lagu ballamay…” Ciidanka PSF
Qoraal khad cas ku qoran oo ka soo baxay PSF ayaa lagu sheegay in maamulka Puntland jebisay xabbad-joojintii shalay lagu ballamay.
PSF ayaa sheegtay in wasiiradii Puntland u xil-saartay xaaladda taagan ay sii hurinayaan colaadda Boosaaso iyo bara-kicinta shacabka ku dhaqan magaaladaas.
Qoraalka ayaa lagu caddeeyay in Ciidanka taabacsan Agaasimihii xilka laga qaaday ee PSF ay ku sugan yihiin oo difaac kaga jiraan xaruntooda Boosaaso.