God Maraykanka laga soo Galin jiray Daroogada oo la Helay .(Sawirro)

Ciidamada Amaanka dalka Mareykanka ayaa ku Guuleestay in ay soo helaan God aad u dheer oo isku xirayay dalalka Mareykanka iyo Mexico, waxaana godkan lagu galin jiray Mareykanka waxyaabaha sharci darada ah oo ay U Badan Tahay  daroogadu.

 

Godkan la helay oo balaciisu lagu sheegay 4,309ft, ayaa isku Xidhay magaalada warshadaha leh ee Tijuana ee ku  taala duleedka Caasimadda Mexico iyo degmada San Diego oo  ka  tirsan gobolka California dalka Mareykanka.

 

Waxyaabaha layaabka leh   ee  ay Arkeen Saraakiisha Mareykanka ee godkan helay ayaa ah in Godku lahaa Wiish, Tareen, koronto iyo meelo loogu talagalay inay hawada kasoo gasho, waxaana godkan isticmaali jiray kooxaha daroogada ka ganacsada.

 

 

Saraakiisha Mareykanka ayaan wali sheegin in dad loo soo xiray godkan loogu kala godbayay dalalka Mareykanka iyo Mexico, waxa ayna sheegeen saraakiisha in ay socdaan baaritaano arintan wax badan looga ogaanayo.

Godkan ay heleen ciidamada amaanka dalka Mareykanka ayaa lagu tilmaamay in uu ahaa kii ugu dheera abid ee waxyaabaha sharci darrada ah looga kala gudbiyo dalalka Mareykanka iyo Mexico.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker