Madaxwaynaha Somalia Maxamed Abdilahi Farmaajo oo Gaashaanka ku dhuftay inay Midawga Africa dhex dhexaadiyaan Muranka badda ee kala dhexeeya Kenya

Muqdisho (OWN) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulankii ay  Madaxtooyada Soomaaliya ku yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyo wafdi sare oo ka socday Midowga Afrika oo dhowaan soo  gaadhay magaalada Muqdisho.

 

Kulankan oo ujeedkiisa lagu sheegay sidii loo xalin lahaa Xiisadda Diblomaasiyadeed ee ka dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya ayaa la sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya uu u bandhigay Aragtida iyo go’aanka Soomaaliya oo ahaa mid aad u qadhaadh.

 

Thabo Mbeki, Madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika oo wafdigaasi ka socday Midowga Afrika Hogaaminaya  ayaa Madaxweynaha Soomaaliya ka dalbaday in dalalka Kenya iyo Soomaaliya arintooda ay galaan Madaxda Midowga Afrika balse arintaas laga diiday.

 

“Madaxweynaha waxa uu u sheegay wafdiga  ka Socda Midawga Afric a in uusan gor gortan ka galayn arimaha badda balse uu diyaar u yahay in uu wada-hadal ka galo Xidhiidhka iyo wadashaqaynta labada dal” ayuu yidhi Masuul sare oo ka tirsan Villa Somalia islamarkaana la hadlay Caasimada Online.

 

Madaxweynaha ayaa wafdigan u sheegay in Soomaaliya ay sugayso jawaabta Maxkamadda ICJ balse wixii kale ee aan qoseynin arimaha Badda iyo kiiska Dacwada ay Soomaaliya diyaar u tahay in ay kala hadasho Kenya” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Masuulkani  oo La hadlay Warbaahinta  kana  codsaday inaan la magacaabin.

 

Wafdigii ka socday Midowga Afrika ee dhawaan soo gaadhay magaalada Muqdisho waxay hore u soo mareen magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya waxayna kulamo la soo qaateen Madaxweynaha dalkaasi iyo Wasiirka Arimaha dibadda Kenya iyagoo sheegay in ay kawada hadleen Arimaha amaanka, xasilooniada iyo Arimaha Badda iyo xaaladda gobalka.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker