Soomaaliya oo u tartameysa kursi ay ugu dambeysay 50 sano kahor

Golaha fulinta ee Midowga Afrika ayaa isku raacay in Soomaaliya ay tahay musharrax kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka 2025-2026.

Soomaaliya ayaa noqoneysa dalka kaliya ee ka socda Bariga Afrika ee u sharraxan mid ka mid ah kuraasta aan joogtada ahayn eeGolaha Ammaankaee Qaramada Midoobay.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtayin ay diyaar u tahay inay hoggaamiyo ajendaha Afrika ee nabadda iyo amniga ee UNSC.

Soomaaliya ayaa kursigan u tartami doonta bartamaha sanadka 2024, inta lagu guda jiro kalfadhiga 78-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Kusimaha wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya Cali Maxamed Cumar Balcad ayaa sheegay in go’aankani uu yahay guul dalka usoo hoyatay.

1971-1972 ayaa Soomaaliya ugu dambaysay inayqeyb ka noqoto xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker