Wasiirka Biyaha Somaliland Oo Agab Ku Wareejiyey Dhalinyaradda Oodweyne

Wasiirka Horumarinta Biyaha Somaliland Cali Xasan Mohamed “Cali Mareexaan”, ayaa agab isugu jirra Kubaddo Iyo dirays ciyaareed gaadhsiiyay wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha ee Oodweyne
Isuduwaha wasaaradda khayraadka biyaha somaliland Mohamed Colaad, ayaa agabka wasiirka ku wareejiyay wasaaradda ciyaaraha ee gobolkaasi
Agabka wasiirka horumarinta khayraadka biyaha somaliland, u dhiibay gobolka Daad-madheedh, ayaa waxa loogu tallo galay dhalinyaradda kubadda cagta ee heerka kowaad, oo tartan uga socdo magaaladda Oodweyne
Wasiir Cali, ayaa ka mid ah shikhsiyaadka dhalinyaradda dhiiri-geliyo isla markaana la socda ciyaaraha caalamka iyo kuwa somaliland
Isuduwaha wasaaradda khayraadka biyaha Gobolka Daad-madheedh Mohamed Colaad, ayaa ka warbixiyay agabka wasiirka Biyaha Somaliland u wakiishay wuxuuna yidhi:-
“Maanta waxa sharaf noo ah anaga oo ka wakiil ah wasiirka wasaaradda horumarinta Khayraadka Biyaha Cali Xasan Mohamed, inaanu maanta ku wareejino Isuduwaha wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha gobolka Daad-madheedh, inaanu ku wareejino diraysyo, loogu tallo galay wareegga socda ee ciyaaraha ee daad-madheedh ka furmay iyo kubaddo loogu talo galay dhalinyaradda, farxad gaar ah bay noo tahay in aanu ka wasaarad ahaan wareejino diraysyo dhalinyaradda ku dhiiri-gelinaya Xirfadooda ciyaareed, anaga oo ka wakiil ah wasaaradda horumarinta biyaha somaliland” Sida waxa Yidhi Mohamed Colaad
Xoghayaha dawladda hoose ee degmadda Oodweyne, Isuduwaha wasaaradda ciyaaraha ee Daad-madheedh Iyo xubno ka mid ah ciyaartooyda gobolkaasi, ayaa si weyn uga mahad-naqay agabka ciyaareed ee wasiirka biyaha somaliland Cali Xasan Mohamed “Cali Mareexaan”, soo gaadhsiiyay dhalinyaradda ciyaaraha ee gobolka Daad-madheedh
Xubnaha masuuliyiinta ah ayaa si wadda jirra uga markhaati kacay garab Is-taagga wasiirka biyaha somaliland, u muujiyay bahda ciyaaraha ee gobolka Daad-madheedh
“Wasiir Cali, waxaan ku xasuustaa inuu ka mid ahaa dadkii qaybta weyn ka qaatay koobkii goboladda somaliland, wuxuuna taageero weyn u ahaa xulkii koobka Qaaday Ee Daad-madheedh” Sida waxa yidhi Isuduwaha wasaaradda ciyaaraha ee Daad-madheedh.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker