Taageerayaasha Xisbiyada Mucaaridka oo Halxidhaale Ku Noqotey Kulankii Madaxweyne Biixi Iyo Murashax Cirro

nkastoo, aan Wali gunta hoose loogu dhaadhicin Kulankii, ay Madaxtooyada ku yeesheen Habeen Hore Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo Gudoomiyihii hore ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ahna Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbigaas Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(cirro), kaas oo ay ku koobnaayeen Labadooda oo Kali ah sida Ka Muuqata Sawirka lagu baahiyey Baraha Bulshada.

Inkastoo aanney Dad badani Rumaysnayn in Kulankan Madaxweynaha iyo Cabdiraxmaan uu ahaa mid aanney Ka Warahaynin Madaxda Xisbigiisu islamarkaana, aan la baahinin ujeedada Kulankaasi iyo Nuxurka uu Daarnaa labadaba, haddana Waxaa la rumaysan yahey in uu ahaa, Kulan aan dhinaca Siyaasada Marnaba la filayn noociisa Sababtoo ah Labadan Masuul oo loolan Siyaasadeed oo adagi ka dhexeeyay indhawaale Kadib Markii uu Madaxweyne Muuse Biixi ka badheedhay Furista Ururada Siyaasada oo Murashax Cirro
Dhinaciisa Siweyn uga Dagaalamey Maadaama talaabadaasi Caqabad weyn ku tahey Qorshayaashiisa Siyaasadeed, ee Wareejintii Gudoomiyaha Xisbigu Kaw ka tahey, Sidoo kalena, a Fursad u banaysay Siyaasiyiin ay isku ardaa kasoo Wada jeedaan.

Ilaa iyo hadda Wali si dhab ah looma oga Sababta Wakhti Xaadirkan, ay in mudo ah Dagaal Siyaasadeed kuwada jireen Kaliftey in ay Kulankan Wada Qaataan.
Sikasta oo ay Xaaladu tahey, Waxa Kale oo aan wali Cadeyn in Kulankan Dalabkiisu ahaa Mid ka Yimid Dhinaca Murashax Cabdiraxman Cirro, iyo in uu ahaa Mid Ka Yimid Dhinaca Madaxweynaha Marka laga tago Nuxurka Arimaha ay u Kulmeen, iyadoo tan iyo intii Kulankooda Ka dambaysay, Dareenka ka dhashey ahaa Mid Isweydiin badani ku lamaan Tahey Waxa uu u Muuqdaa mid halxidhaale ku Noqdey Taageerayaasha Mucaaridka, iyo Waliba Xisbiga Kale ee Mucaaridka ah,   tii oo ay Jirto in Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe ka biyo diidsanaa dhawaanahan in ay ka dhalatey oo Sabab u ahaayeen Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Kadib Markii uu Wareejiyay Cabdiraxmaan Gudoomiyaha Xisbiga.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker