Wefti uu hogaaminsyo Wasiirka arimaha dibedda JSL oo lagu soo dhaweeyay dalka Maraykanka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr.Ciise Keyd iyo wefti uu hoggaaminaayo ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyay Caasimadda dalka Maraykanka ee Washinton.

Wasiirka waxa ku wehelinaayay safarkaasi ergayga gaarka ah ee Arrimaha Dibadda ee Madaxweynaha Somaliland Drs Adna Aadan Ismaaciil, waxaana weftiga carriga Maraykanka ku soo dhaweeyay Jaaliyadda Somaliland ee dalka Maraykanka, siyaasiyiin iyo Wakiilka Somaliland ee dalka Maraykanka Bashiir Good.

Weftigan ayaa intay Maraykanka joogaan la filayaa inay kulamo kala duwan la yeeshaan mas’uuliyiin ka mid ah xukuumadda Maraykanka iyo goleyaasha dalkaasi, oo ay kala hadli doonaan qadiyadda Madax bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, iyagoo soo bandhigi doona siday Somaliland xaqa ugu leedahay aqoonsi caalami ah una buuxisay shuruudihii looga baahnaa, sida uu sheegay danjiraha Somaliland ee Washinton Bashiir Good.

Waxa sidoo kale weftiga soo dhaweeyay ururka aan dawliga ahayn ee aqoonsi raadinta Somaliland ee dalka Maraykanka, ee magaciisa loo soo gaabiyo SIRTA, oo u aasaasan sidii Somaliland ay aqoonsi uga heli lahayd beesha caalamka.

Guddoomiyaha ururkaasi Marwo Canab Maxamuud Riyo raac ayaa Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA u sheegtay in weftigaasi ay ka caawin doonaan goobkasta oo muhiim u ah qadiyadda Somaliland iyo sidii dalka Maraykanka mas’uuliyiintiisa loogala hadli lahaa aqoonsiga iyo madaxbannaanida Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker