Duufaanta Barry oo Wali Garaaceysa Gobolka Louisiana ee Dalka Maraykanka
Xarunta Dhexe ee Duufaanada ee Mareykanka ayaa maanta sheegtay in duufaanta Barry ee Sabtidi shalay garaacday qeyto ka mid ah gobolka Louisiana, iyadoo maantana ku socoto xawaare dhan 75 KM saacaddiiba una jiheysatay dhanka galbeed ee Louisiana.
Khubarrada saadaasha hawada ayaa sheegay in roobabaka xoogga leh ee ay wadato duufaanta ay sababi karaan fatahaado khatar gelin kara nolosha malaayiin qof oo ku nool gobolka Louisiana ee koofurta Mareykanka.
Duufaanta Barry ayaa la filayaa inay koofurta iyo bartamaha Louisiana ay ku hooriso roob ay suurtagal tahay in biyahiiisu ay gaadhaan cabbir u dhaxeeya 15 ilaa 30 sentimirir halka meelaha qaarna laga yaabo in xareeddu gaadhto 50 sentimirit.
Duufaanta Barry ayaa ah tii ugu horreysay ee sannadkan ka dhacda gobollada ku dhirirsan xeebaha badda atlantiga. Inta badan duuufaanaha sannadlaha ah ee Mareykanka ayaa iska daba dhaca marka la gaaro xilliga xagaaga.