“Wasiirka Ganacsiga Hadalkiisii Maantu Waxa Uu Sabab u Noqday In Mar Kale Shidaalkii Cirka Ku Sii Shareeraan …”
Maanta ayey ahayd Markuu Wasiirka Ganacsigu Ka Jawaabayay Shidaalka magaaloiyinka iyo guud ahaan gayiga Somaliland gudihiisa ka Qaaliyoobay mudooyinkii u dambeeyeyna uu kor u socday Qiimaha Gaadiidka dalka shidaalka ay Kaalmuhu kaga iibiyaan’ isaga oo Wasiirku Jawaab nasiib daro umadda reer Somaliland ku ah oo Gaaban si Cad oon gabasho lahayn inoogu Sheegay In aanay ka Xukuumad ahaan Waxba ka qaban karayn ama aan ganacsatada qiimo go’an oo dhanka shidaalka si loo xakameeyo Sicir bararkan dalka ku soo noq noqday ee Shidaalka aan sida uu hadalkiisa u dhay habayaraate loo jari karayn wax Qiimo ah oo go’an.
Hadaba Anigu Waxaan u arkaa in hadalka ka soo yeedhay ee uu wasiir Saajin maanta jeediyay inuu uga sii daray shidaalkii isla markaana ay ganacsatadii markay daawadeen hadalkii wasiirka masuuliad darada ka muuqatay inay keentay galabtaba in Ganacsatadu ay shidaalkii inagu qaaliyeeyeen, Hadalka maanta wasiirku jeediyayna muu ahayn mid shacbiga jsl qabta ee dhibaatada iyo duruufaha nololeed la daalaa dhacaya.
Waxaa is waydiin mudan shidaalka ma JSL Somaliland ayuun baa lagu qaaliyeeyay mise Aduunyada oo dhan ayuu ka qaaliyoobay ?
Maxaa Ethiopia oo aan Bad lahayn isla markaana Dagaalo ka socdaan inooga shidaal jabnaatay ?
Waxaa Maalin walba Xuduudaheena ka soo gala oo Xukuumadeenu cashuurtaa shidaalka Booyadaha lagu soo qaado ee Ethiopia inooga soo gala oo ka Jaban ka Dakadeena ka soo daga.
Ugu danbayn Hadalkaa Wasiirku maanta ku hadlay maaha mid shacbigeena qabta waayo hadii aanay wazaaradiisu awood u lahayn in ay wax ka qabato waa inaanay Shacbiga mu shahar ka qaadan isla markaana xilka baneeyaan.
Arintaa aad iyo aad ayaanu uga xunahay Madaxwaynahana waxaan u soo jeedinayaa arintaa in wax laga qabto oo shirka golaha wasiirada ee Bari arintaa lagaga hadlo,xalna laga soo saaro’ Waayo Bulshadeenu ma qaadi karto xaalada ay maanta ku jiraan.
Xoghayaha Warfaafinta iyo Saxaafadda ee Xisbiga Ucid Yusuf Kayse Guuxaa.