Youtuber u dhashey Kuwait Oo Qaxootiga Suuriya U Ururiyey Hal milyan oo Doolar
Nin u dhashay dalka Kuwait ayaa la yimid fikir cusub, kaasoo uu ku sameystay bar Youtube, oo lagu naaneeso “Abu Fella” ayaa si weyn looggu bogaadiyey baraha bulshada, iyadoo wiilkan dhalinyarada ah uu awood u yeeshay inuu ururiyo lacag dhan hal milyan oo Doolar ah.
Lacagtan ayaa wuxuu ku ururinayey ninkan 28 saacadood oo baahin ah, oo laga yaabo in looggu yabooho badbaadinta 17,000 oo qaxooti Suuriyaan ah, iyo dadka ku barakacey gudaha dalka Suuriya, oo wajahaya qabowga daran ee Jiilaalka.
Wiilkan dhalinyarada ah ee u dhashey dalka Kuwait, ayaa waxaa uu balan qaadey inaanu joojin doonin baahinta ololaha tooska ah, illaa iyo inta uu ka ururinayo lacagta loo baahan yahay.
Sidaa darteed, waxa uu horjiiftay camera-rada horteeda, si uu u gaadho yoolkiisa, taasoo qeyb ka ah ololaha wadajirka ah ee uu la wado hey’adda Qaramada Midoobay.
Waa kuma Abu Fella?
Magaca saxda ah waa Xasan Suleymaan. Waa ardey wax ka barta jaamacad, isagoo ku jira dada labaatanka.
Suleymaan waxa uu ku guulaystay in uu soo jiito dayarta caalamka, maadaama in ka badan shan milyan ay ku xiran yihiin bartiisa Instagram-ka, halka tirada daawashada Channel-kiisa Youtube-ka ay kor u dhaaftey laba bilyan iyo bar oo jeer.