Wasiirka Beeraha oo Gaadhi ku Wareejiyay Isu-duwaha Gobolka Sool.

Wasiirka Wasaarada Horumarinta Beeraha Somaliland Maxamed Xaaji Cismaan ayaa isu duwaha wasaarada beeraha ee gobolka Sool ku wareejiyay gaadhi cusub oo Laan Kuruusal ah oo lagula dagaalami doono aafada ayaxa ee gobolkaas.
Munaasibadda lagu wareejinayay gaadhigaasi ayaa waxa goobjoog ka ahaa Xildhibaan Indho Indho oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Guurtida, hawl wadeeno ka tirsan Wasaarada Beeraha iyo Isu Duwaha Wasaarada Beeraha ee gobolka Sool.
Xildhibaan Cabdiqadir Maxamed Xasan Indho Indho oo ka hadlay halkaasi ayaa sheegay in ay u mahad celinayaan wasiirka wasaaradda beeraha iyo guud ahaan wasaaraddaba gaadhiga ay soo gaadhsiiyeen xafiiska beeraha ee gobolka, waxaanu maamulka wasaarada ee heer gobol ku dardaaray inay ilaashadaan gaadhigaasi cusub, ee loogu adeegi doono hawlaha wasaarada ee gobolka.
Isu duwaha Wasaarada Horumarinta Beeraha ee gobolka Sool iyo madax kale oo halkaasi ka hadashay ayaa sheegay in gaadhigaasi gobolka looga baahnaa, islamarkaana ay bulshada ugu adeegi doonaan, iyagoo geesta kale uga mahad celilyay Wasiirka Wasaarada Horumarinta Beeraha.
Gabagabdii Wasiirka Wasaarada Horumarinta Beeraha ee Somaliland Maxamed Xaaji Cisman ayaa furayaashii gaadhiga ku wareejiyay isu duwaha wasaarada horumarinta Beeraha ee gobolka Sool, isagoo ku dardaaray inay si hufan ugaga shaqeeyaan gaadhigaasi hawlaha wasaaradda ee gobolka ee ay ka midka yihiin la dagaalanka ayaxa oo dhibaato weyn ku haya dalagga beeraha ee dalka oo dhan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker