MAYA, MAYA, MAYA Midnimo Danbe
Waxa aan beryahan danbe maqlayaa dad ka hadlaya waxa ay ku sheegaan Markale Iyo Midnimo. Waxa aan u fiirsaday waxa ay ka siman yihiin dadka doodan wataa:
Wa shakhsiyaad aan ummadda weligood wax u qaban.
Intooda badani malaha xirfad iyo aqoon ay ku shaqaystaan.
Inooda badani waxay joogaan qurbaha shaqana ma hayaan waxna ma bartaan
Intooda badani dalka may joogin markii shacabkala la xasuuqayay
Intooda badani wax ay waayeen cid xil u dhiibata rajana kama qabaan. Xataa beeshoodu hoodh kuma qooysato.
Waxa suuro gal ah in lacag laga siiyo Xamar loona deegsado in ay burburiyaan Somaliland.
Waa maxay shaqooyinka Xamar yaallaa?
Askarinimo loo adeegsado la dagaallanka cidda mucaaradka ku ah talika hadda jira
Hotel receptionists oo qaraxyada u ah a frontline.
Anti-Somliland Propagandists loo adeegsado abuuridda iyo faafinta dacaayado iyo warar been abuur ah oo liddi ku ah Somaliland.
Waxa la yaab leh Somalia ma Xamar uun baa? Haddii laba midoobo, ilaahy kama dhigee, Reer Somaliland ma ka shaqayn karaan meel aan Xamar ahayn kol haddii maamul kastaa dadkiisa ka fuudh yeelayo marka hore.
Waxa aan xasuustaa gabaygii Timocade ee lahaa “nin ugaadhsanyaa kolla awr xun ma waayo”.
Aden Ismail
Canada