Nin La Xidhay Kadib Markii Uu Ka Shaaciyey Baraha Bulshada inuu yahay iib.
Aliyu Na Idiris oo 26 sano jir ah ayaa la dhigay xabsiga ka dib markii uu ku shaaciyey Baraha Bulshada inuu yahay iib.
Booliiska dalka Nigeria ayaa sheegay iney arrintani ay ka dhacdey gobolka Kanu, ee ka dhaca dhanka waqooyi ee dalkaas
Caliyu Na Idiris, ayaa ku dhex wareegayey magaalada, isagoo wata boodh uu isku xayaysiinayo, lacag gaadhaysa US $25,000.
Waxaa uu sheegay iney heysato xaalad xun oo dhaqaale, isagoo markaa tilmaamey inaanu laheyn ikhtiyaar aan aheyn inuu naftiisa iibiyo.
Wuxuu carabka ku dhuftey iney jiraan dad u soo gudbiyey qiimo gaadhaya US $20,000, balse uu iska diiday.
Taliyaha ciidanka ku shaqeeya nidaamka Islaamiga, Sheekh Harun Ibnu Sina, ayaa sheegay in Islaamku aanu oggoleyn in qofku is iibiyo.