Wasiirka Arrimaha Gudaha Iyo Weftigiisa Oo Soo Kormeeray Waddo Iyo Bangiga Dhexe Ee Laascaanood

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo ay weheliyaan Taliyaha Guud Ee Ciidanka Illaalada Xeebaha ee Somaliland Sarreeye Guut Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane) iyo maamulka gobolka Sool ayaa soo kormeeray waddada isku xidha degmada Laascaanood iyo kala baydh.

Weftiga ayaa maanta soo indho indheeyay qaybaha kala duwan ee dhismaha waddaadaasi oo ay hirgeliyeen bulshada deegaankaasi, iyagoo intaas kaddibna soo kormeeray laanta baangiga dhexe ee Somaliland ee degmada Laascaanood, waxaana ay halkaasi kulamo kula qaateen mas’uuliyiinta sare ee bangiga Laascaanood. Ugu horreyn maamulaha laanta bangiga dhexe ee Somaliland ee degmada Laascaanood ayaa weftiga uga warbixiyay shaqooyinka ay hay’addaasi u qabato Somaliland, waxaana uu sheegay inay casriyeyeen shaqada bangiga oo ay u rogeen habka Onlineka ah, waxa kale oo maamuluhu u tilmaamay weftiga in shaqaalaha dawladda ee gobolka ka shaqeeya ay ka qaataan lacagahooda bangiga dhexe, isla markaana loogu diro telafoonadooda gacanta.

Xildhibaan Axmemd Xasan Cali (Casoowe) oo ka tirsan golaha wakiillada ee Somaliland, lagana soo doortay gobolka Sool ayaa sheegay inay soo arkeen horumarka kala duwan ee gobolka ka socda gaar ahaan waddooyinka ay bulshadu dhisayaan iyo hay’adaha dawliga ah ee gobolka oo nidaamkooda adeeg bixinta ah u rogay hab casriya oo ka dunida la jaanqaadaya, waxaana uu ugu baaqay xildhibaanku bulshada inay adkaystaan nabadgalayda iyo amniga, si hormarkaasi uu u sii socdo.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa uga mahadceliyay maamulaha bangiga dhexe ee degmada Laascaanood warbixinta uu ka siiyay shaqada bangiga ee gobolka, isagoo tilmaamay in shaqada ay arkayaan ee bangiga ka socotaa ay tahay mid aad loogu farxo, waxaana uu sheegay in bangiga Laascaanood uu yahay ka keliya ee dalka oo dhan ku shaqeeya habka Online-ka, isla markaan ay ku bogaadinayaan madaxdiisa shaqada waxtarka leh ee ay ka qabteen banigiga.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker