Wasiirkii Hore Ee Waxbarashada Soomaaliya Oo Ku Geeriyootay Dalka Maraykanka
Allaha u naxariistee waxaa magaalada Columbus ee dalka Maraykanka ku geeriyootay Marxuumad khadra Bashiir Cali oo ahayd Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare dalka Soomaaliya.
Geerida Allaha u naxariistee Marxuumad Khadra waxaa tacsi u direy Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo ayaa xusay doorkii Marxuumaddu ay ka soo qaadatay horumarinta Waxbarashada Dalka muddadii ay haysey Xilka Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
“Innaa lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa qoyska, qaraabada iyo ummadda Soomaaliyeed ee ay ka geeriyootey Alle ha u naxariistee khadra Bashiir Cali oo ahayd Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Waxbarashada. Marxuumaddu, intii ay ahayd Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada waxa ay door wanaagsan ka soo qaadatay Horumarinta mustaqbalka iyo Waxbarashada ubadka Soomaaliyeed.”
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumadda Alle u weydiiyey in uu hoygeeda ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee ay ka geeriyootey.