Daawo:- Madaxwayne Farmaajo oo Si Wayn Loogusoo Dhaweeyay Asmara Muuqaal Iyo”Sawirro”

Asmara-(OWN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaadhay magaalada Asmara ee caasimadda Eritrea.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka Asmara ku so dhoweeyay madaxweynaha Eritrea Assias Afwerki iyo mas’uuliyiin kale.

Waddooyinka Asmara ayaa lagu xardhay calanka Soomaaliya, booqashada madaxweynaha iyo wafdigiisa darteed. Madaxweyne Farmaajo ayaa Saddex maalmood oo maanta ka bilaabaneysa joogi doona magaalada Asmara.

Boqollaal dad ah oo luxaya calammada labada dal iyo sawirka madaxweyne Farmaajo ayaa jooga hareeraha waddooyinka Asmara.

Labada madaxweyne waxa ay ka wada hadli doonaan xidhiidhka labada dal, iskaashiga iyo xasilloonida gobolka.

Waa markii ugu horreysay ee madaxweyne Soomaaliyeed uu booqdo Eritrea tan iyo markii uu dalkaasi madax bannaanidiisa ka qaatay Ethiopia sanadkii 1993-kii.

HALKAN KA DAAWO SOO DHAWAYNTA MADAXWAYNAHA SOOMAALIYA EE ASMARA

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker