Walaac Laga Muujinayo Dib-U-Dhac Ku Yimaada Natiijada Doorashada Maraykanka
Khubarada Maraykanka ayaa sheegaysa in dib u dhac ku yimaada xiliga la shaacinayo natiijada doorashada madaxtinimada ee dalka Maraykanku aanay saamayn doonin in la bedelo cida ku guulaysatay doorashada, xili walaac wayn laga muujinayo natiijada daahaysa.
Habeenka doorashadu ay dhacdu ayay tahay in la ogaado natiijada, balse imika waxay u badan tahay in dadka reer Maraykan aanay arki doonin sidii ay u barteen.
Donald Trump oo isku dayaya in uu wiiqo doorasho ay u badantahay in laga helo, wuxuu sheegay in isagu uu door bidayo in habeenka doorashada la ogaado cidda guulaysatay.
โMa rabo in aan sugo natiijada todobaado, bilo iyo wixii la mid ahโ ayuu yidhi Trump.
Donald Trump wuxuu rabaa in muddo kordhin loo sameeyo, balse saaxiibadiisa xisbiga Jamhuuriga ayaa ka diiday damaca madaxweynahan 74-jirka ah. Waa goโaan ku xidhan ansixinta Koongareeska Maraykanka, taas oo u muuqata mid aanu abid ku guulaysan doonin maaadaama aanu taageero ku haysan aqalka hoose ee baarlamanka.