Diyaaradii La Waayay Ee Siday Ciyaartoygii Cardiff City Ee Emiliano Sala Oo La Helay

Waxaa in muddo dhawr todobaad ah waxaa la baadi goobayay meel ay jaan iyo cidhib dhigtay diyaaradii siday ciyaartoygii ay kooxda Cardiff City lacagta rekoodhka kooxdeeda ah kula soo heshiisay ee Emiliano Sala kaas oo hore uga tirsnaa kooxda reer France ee Nantes laakiin markii hore loo jooiyay raadinta diyaaradan waxaa makale axadii shalay dib loo bilaabay in baadi goobkii dib loo bilaabay.

 

Baadhitaankii subaxnimadii shalay laga bilaabay Channel Islands ayaa ahaa mid baadhitaanadii hore ka duwan wuxuuna ahaa baadhitaan badda hoosteeda ahaa waxaana ugu danbayn lagu guulaystay in la helay burburkii diyaaradii sidatay ciyaartoygii reer Argentina ee Emiliano Sala.

 

Diyaaradan oo magaceedu ahaa Piper Malibu ayaa la waayay January 22, laakiin ugu danbayn waxaa la xaqiijiyay in diyaaradani ay burburtay isla markaana waxaa qoyskii xidiga waqtiga dheer la raadinayay ee Emiliano Sala iyo bayloodkii diyaarada lagu war galiyay in ay geeriyoodeen.

 

Halkan hoose ka daawo

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker