Toogasho ka dhacday Dalka Maraykanka oo dad ku dhaawacmeen
Saddex qof ayaa Geeriyootay , 3 kalena wey dhaawacmeen, kadib, Toogasho ka dhacday magaalladda Washington DC.
Qoraal ay Booliska soo dhigeen Bartooda Twitter-ka ayey ku xaqiijiyeen inay Toogashadaasi dhacday ku geeriyoodeen, halka 3 kalena dhaawac soo gaadheen.
Toogashada waxay ka dhacday Qeybta W/Galbeed ee Washington DC.
Taliyaha Boliska Washington DC, Robert Contee ayaa Suxufiyiinta u sheegay in Rag aan la aqoonsanayn oo Gaadhi ka saoo degay ay Tacshiirad oodda kaga qaadeen goob ay dad badan ku Sugnaayeen, iyadoo dhamaan Dhibanayaasha yihiin dad qaan-gaadh ah.
Taliyahu waxa uu sheegay in qofkii keena Xogta Eedeysanayaashii geystay Toogashadaasi la siin doono Abaalmarin Lacageed oo dhan 75,000 oo Dollar.