Xidigga Cristiano Ronaldo oo ku biiray Kooxda Manchester United
Weerar yahanka kooxda Juventus, Cristiano Ronaldo, ayaa dib ugu laabtay kooxdiisii hore ee Manchester United.
Bayaan ay soo saareen maamulka United ayay ku xaqiijiyeen in ay Juventus la gaadheen heshiiska lasoo wareegitaanka Ronaldo.
Waxa harsan waa in Ronaldo heshiis si shakhsi ah loola meel dhigo heshiiska, sida ku cad bayaanka United ay ku daabacday boggeeda.
Warkan ayaa durbadiiba si deg deg ah u qabsatay warbaahinta caalamka oo dhan.
Markii hore waxaa maalmahan la hadal hayay in Ronaldo uu ku sii jeedo magaalada Manchester, balse kooxda uu u socdo ay tahay City oo ay si weyn u xifaaltamaan United.
Saacadihii lasoo dhaafay ayuu si lama filaan ah usoo baxay hamiga United ay ku daneyneyso xiddigeedii hore kaddib markii hadal heynta taageerayaasha Manchester United ay badatay, iyagoo aad uga soo hor jeeday in uu halyeygooda ku biiro City.