Waa Kuma Wasiirka Damiintay Mid Ka Mid Ah Maxaabiistii Shalay Xukuumadda JSL Sii Daysay?
Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Somaliland Md. Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi ayaa ka mid ahaa dadka damaanadda laga qoray ee shalay qaar ka mid ah maxaabiis muddo dheer xabsiga weyn ee Hargeysa ku jiray kuwaasi oo u xidhnaa falal argagixisanimo oo lagu eedeeyey wakhtigii xukuumaddii Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, kuwaasi oo muddo dhawr iyo labaatan sano ah kadib shalay dib u helay xorriyadooda.
Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Somaliland Md. Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi ayaa isagu waxa uu si gaar ah u damiintay oo warqad looga saxeexay mid ka mid ah maxaabiista shalay la sii daayay oo ay isku deegaan ka soo jeedaan kaasi oo ah Jaamac Cabdi Ismaaciil (Jaamac Kuutiye) oo ka mid ahaa ragga ugu caansan ee muddoda intaasi le’eg xabsiga ku jiray kuna eedaysnaa fallakaasi argagixisanimo.
Warqadda damaanadda ah ee Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Somaliland Md. Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi ku saxeexay oo lagu socodsiiyay Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland haalkan hoose ka Akhri Warqadda Damaanadda:–