Xildhibaankii ugu codka badnaa Barlamaanka Barkhad Batuun Oo Wata Gaadhi Nooca Taxi-ga ah
Somaliland Xildhibaankii ugu codka badnaa Barlamaanka Barkhad Batuun, oo wata baabuur yar oo nooca Taxi-da ah ayaa lagu arkay badhtamaha Hargeysa.
Barkhad ayaa dhowaan gaadhigiisi raaxada iska iibiyay wuxuuna lacagtii uu siiyay abaalgud uga dhigay shaqsiyaad doorweyn ku laha in la doorto oo ay kamid ahayd haweenay iyadoo u codaynaysa goobta cod bixinta ku foolatay.
Inta badan Madaxda loogama baran baabuurta caynkan ah ee loo yaqaan Vitz ta ama Dukhaanta.