Mareykanka oo sheegay inay xoojinayo iskaashiga uu la leedahay Soomaaliya,

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay xoojinayso iskaashiga ay la leedahay Soomaaliya, sida lagu sheegay war-saxaafaddeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaas.

Xoghayaha arrimaha dibada, Antony Blinken ayaa sheegay Maraykanku inuu taageerayo dadaalada Soomaaliya ee ku aadan, dhisidda bulsho adkeysi leh, kobcinta dhaqaalaha, iyo kordhinta amniga Soomaaliya iyo wadamaada deriska.

“Anigoo ku hadlaya magaca dowladda Mareykanka, waxaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa maalintooda qarannimada ee 62-aad,” ayuu yiri Antony Blinken.

Maraykanka ayaa qorshaynaya inuu Soomaaliya u fidiyo gargaar cunto oo looga hortagayo macluusha.

Gargaarkan ayaa qayb ka ah ku dhawaad 105 milyan oo dollar oo gargaar bini’aadantinimo ah oo loogu talo galay geeska Afrika.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker