Maamulka dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya oo digniin adag soo saartay taageeridda kooxda TPLF

Xeer-ilaaliyaha guud ee dowlad Deegaanka Soomaalida, Cabdiwali Jaamac Ibraahim ayaa shacabka Deegaanka uga digay inay iska ilaaliyaan taageeridda kooxda TPLF oo uu xusay iney Degaanka ka gesyteen gabood-falo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Cabdiwali Jaamac Ibraahim ayaa sheegay inuu baarlamaanka dalku ku daray liiska argagixisada kooxda TPLF, sidaa darteed qof kaste oo taageero u muujiya waxaa qabanaya bayaanka argagixisada ee tirsigiisu yahay 1176/2020, isaga oo tusaale u soo qaatay dad shirar kala duwan ku qabsanaya meelaha qaar.

Xeer-ilaaliyaha ayaa uga digay bulshada in ay ku dhex-milmaan falalka ka soo horjeeda sharciga, kana fogaadaan arrimaasi.

Dhanka kale, Mudane Cabdiwali Jaamac waxa uu sheegay in shacabka looga baahan yahay taageero dhan walba ah oo la garab-istaagaan ciidammada Deegaanka iyo kuwa dalka, kalana shaqeeyaan nabadgelyada.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya xili dowlada Itoobiya ay dagaal adag kula jirto jabhada TPLF ee weerarada ka wada woqooyiga Itoobiya, taasoo qabsatay magaalooyin badan, ujeedkooduna yahay iney xukuna ka tuuraan maamulka Abiy ahmed.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker