Wasaaradda Warfaafinta JSL oo Shirkadda Telesom kala wareegay Laba Warlaliye oo FM ah
Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyiโgelinta Somaliland Maxamed Yuusuf Ismaaciil ayaa kala wareegay Shirkada Telesom laba War laliye FM ah oo loogu talo galay in lagu balaadhiyo idaacadda qurโaanka ee Raadiyo Hargeysa.
Yaasiin Nuur Mooge oo ka mid ah Masโuuliyiinta Shirkadda Telesom ayaa sheegay in labadan War laliye ay ugu talo galeen in lagu balaadhiyo Idaacada Qurโaanka kariimka ah ee Radio hargaysa si ay meelo fog fog looga dhagaysan karo Waxa uu intaas ku daray in labadan War laliye ay awoodoodu dhan tahay 2000 oo Waat iyo Mid Kun waat ah.
Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyiโgelinta Somaliland Maxamed Yuusuf Ismaaciil oo gabo gabadii halkaas ka hadlay ayaa sheegay inay Labadan War laliye ku xoojin doonaan gobollada Maroodi-jeex iyo Togdheer isla markaana ay ku rajo weyn yihiin in labadan War laliye ay door fiican ka qaadan doonaan tayada dhagaysi ee Idaacada Qurโaanka Kariimka ah, Waxa uu Agaasimaha Guud uga mahadceliyey Shirkadda Telesom deeqdan ay soo gaadhsiisay Wasaaradda Warfaafinta, Waxa uu agaasimaha Guud intaas ku daray in Wasaarad ahaan ay dalbeen qalab kale oo FM ah oo la gaadhsiin doono Lixda Gobol ee Waaweyn ee dalka isla markaana wax weyn ka tari doona kor u qaadista maqalka idaacada radio hargaysa .