Dowladda Fedaraalka oo shaacisay iney dishay in ka badan 150 Al-shabaab ah 48-kii saac ee lasoo dhaafay

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa shaaca ka qaaday in howlgaladii ugu dambeeyay ee dhacay 48 saacaadood  ee lasoo dhaafay lagu dilay in ka badan 150 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in tirada ka badan 150 xubnood ee Al-shabaab lagu dilay howlgalo dhanka cirka ah, islamarkaana xubnaha la dilay ay ku jiraan horjoogayaal sar sare oo ka tirsan kooxda.

Wuxuu tilmaamay Wasiirka Gaanshaandhigga in howlgalada duqeynta ah ay ka dhaceen deegaanada kala ah Ceel bacad, Laba garas, Jambaluul, Ceel garas iyo damasha Shabeellow oo ah dhamaan deegaano ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka Al-shabaab.

”Duqeymo tiro beel ah oo lagu naafeeyey Khawaarijta ayaan 48-dii saac ee la soo dhaafay ka fulinay goobo cadowgu ku dhuumaaleysanayay, in ka badan 150 Khawaarij ayaa ku naf waayay howlgaladaas” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur.

Wasiir Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa sidoo kale uga digay shacabka Soomaaliyeed iney ka fogaadaan goobaha lagu beegsanaayo haraadiga kooxda Al-shabaab.

“Mar kale Shacabka Soomaaliyeed waxaan u digeynaa iney ka fogaadaan goobaha cadowgu joogo, waa la beegsanaa cir iyo dhulba” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga Cabduqaadir Maxamed Nuur.

Hadalkaan kasoo yeeray Wasiirka Difaaca Soomaaliya ayaa kusoo aadaya, iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa dib u xoraynta deegaanka ay maalmihii u dambeeyey wadeen howlgalo culus oo ka dhan ah kooxda Al-shabaab.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker