Ma kula Tahay In Madaxweynihii Hore SIILAANYO Dabagal Musuqmaasuq Lagu Sameeyo, Sida Madaxweynihii Hore Ee Argentina ?

Ciidamada booliska ee waddanka Argentina ayaa billaabay in ay dabagal ku sameeyaan hantida ay leedahay madaxweynihii hore ee dalkaas Cristina Fernández de Kirchner, kaasoo qeyb ka ah howlgal lagu baadhayo musuqmaasuq baahsan.

 

Seynisyahanno ku xeel dheer dhinaca baarista dambiyada, Eeyo carbisan iyo cutubyo ka tirsan waaxda dab damiska ayaa ka qeyb qaatay weerar gaadmo ah oo lagu qaaday labo guri oo ay haweeneydi horay madaxweynaha uga ahaan jirtay dalkaas ku leedahay magaalooyinka Buenos Aires iyo Patagonia.

 

Howl galkan ayaa billowday kaddib markii garsoore maxkamadeed oo lagu magacaabo Claudio Bonadio uu dalbaday in xasaanaadda qeyb ahaan laga qaado Ms Fernández si ay u fududaato in lagu sameeyo baadhitaannada la xiriira musuqmaasuqa jiray intii ay madaxweynaha ahayd.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker