Ilhaan Cumar oo madaxweyne Biden ka codsatay arrin ku saabsan Muslimiinta.

Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka ayaa hoggaaminaysa koox u ololeyneysa in maamulka Joe Biden uu abuuro gole qaabilsan la dagaallanka Islaam-naceybka.

Gabadhan ka tirsan xisbiga talada haya ee Dimiqraaddiga, ayaa arrintan la kaashanaysa xildhibaanno kale oo ay isku xisbi yihiin.

“Waa in aan ku baraarugnaa Islaam naceybka, waana inaan sameyno wixii karaankeena ah si aan u cirib-tirno.” ayey tidhi Ilhan Cumar oo Farriin soo dhigtay barteeda Twitter-ka.

Ilhan iyo kooxdeeda ayaa ugu baaqay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Antony Blinken inuu yagleelo xafiis gaar ah oo ka shaqeeya howshaas, xilli dembiyada la xiriira Islaam naceybka ay kusii fidayaan caalamka.

“Waqtigii uu Mareykanka si adag ugu istaagi jiray taageerada xorriyadda diimaha kala duwan ee dhammaan dadka Waa la soo dhaafay, waa inaan mudnaanta ay u qalanto siino dhibaatooyinka Islaam naceybka ah ee ka jira dunida,”ayaa lagu sidoo kale lagu yidhi qoraalka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker