MUXUU DAARNAA QORAALKII UU MADAXWEYNAHA JSL U DIRAY DHIGGIISA MAREYKANKA
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa toddobaadkii aynu kasoo gudubnay warqad qoraal ah u diray Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden, isagoo qoraalkiisa ugu faahfaahiyey siyaabaha ay wax u wada qabsan karaan labada dhinac iyo sida ay Jamhuuriyadda Somaliland uga qaadatay kaalinteeda horumarinta iyo kobcinta dimoqraadiyadda iyo Xasiloonida Gobolka, waxana lagu daabacay qoraalkan Wargeyska Toddobaadlaha ee caanka ee [News Week] oo kasoo baxa carriga Mareykanka.
Waxa uu si cad ugu soo bandhigay Madaxweynuhu dhiggiisa dalka Mareykanka, faa’iidada ay ka heli karaan hadday xidhiidh la yeeshaan Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo u sheegay in aanay jirin maalin looga baahi badan yahay maanta in iskaashi ay la yeeshaan Jamhuuriyadda Somaliland oo boqcad Istraatiji ah ku taal Geeska Afrika, isla markaana kulaalaysa Badda Gacanka Cadmeed oo dal xor ah oo madaxbannaan muddo soddon sanno ah.
Mudane Muuse Biixi waxa uu timaamo cadcad ka siiyey Madaxweynaha Mareykanka xaaladda Somaliland, isagoo u sheegay in dalkan oo aan weli Ictiraaf ka helin dunida uu haddana qabsaday wax badan oo aanay qabsan dalal badan oo la ictiraafsasn yahay, iyadoo aan ka helin wax dhaqaale ah dalalka Caalamka ee deeqaha bixiya iyo Hay’adaha kaleba, ay haddana Somaliland qabsatay doorashooyin hal qof iyo cod ah oo isugu jira kuwa Baarlamaan iyo Madaxtooyo.
Waxa kale oo uu intaa raaciyey in Jamhuuriyadda Somaliland door laxaad leh ka qaadatay la dagaallanka argagixisada, budhcad badeedda, taas oo ay ka gaabiyeen doorkay ku lahaayeen ilaalinta ammaanka marin-biyoodka gacanka Carbeed oo ah meel muhiim u ah ganacsiga adduunka u kala goosha, waxanu Madaxweyne Muuse Biixi ku xusay qoraalkiisaa, in geesta kalena ay Somaliland dib u habeyn ku samaysay dhaqaalaheeda, iyadoo uu sheegay in xagga kalena ay ka socdaan wax ka qabashada iyo horumarinta dhinaca adeegyada bulshada.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa kale oo uu ku sheegay qoraalkiisa oo ahaa mid aad u dheer, in Soddonkii sanno ee u dembeeyey ka socday qaaradda Afrika dagaallo iyo colaado kala duwan oo isugu jiray kuwa diimeed, qabiil, dhul iyo xuduudeed oo khalkhal geliyey xasiloonida Afrika, sidoo kalena waxa ka dhex abuurmay shabakado aragagixiso oo caalamiya iyo nidaamyo keli-talisa, kuwaas oo si isku mida u saameeyey dalalka cududda leh iyo kuwa kale, isla markaana ka mid ah carqaladaha jira ee ka taagan Qaaradda.
Waxa kale oo uu Madaxweynuhu si tifaftirran uga warramay sooyaalkii taariikheed ee Somaliland, isagoo ka soo bilaabay 26kii June 1960kii oo dadka reer Somaliland xorriyaddooda ka qaateen Boqortooyadii Ingiriiska, midowgii guuldarreystay ee Somaaliya iyo dib ula soo noqoshadii Madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland ee 18kii May 1991kii, kadibna la dhisay Xukuumad iyo bulsho ku dhisan nidaamka Dimoqraadiyadda, taas oo uu sheegay inuu yahay maanta Madaxweynaheedii SHANAAD ee loo doortay xilka Madaxweynenimo, haseahaatee uu ka degi doono ama banneyno doono jagadan marka ay ka dhammaato muddada uu u jideeyey Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.
Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay oo uu u sheegay dhiggiisa Mareykanka inay ka siin karaan Mareykanka oo ah dal ay wadaagaan ku dhaqanka nidaamka Dimoqraadiyadda, dhibaatooyinka iyo arrimaha kale ee ka aloosan geyiga Afrika si aanay u lumin danaha istraatijyadeed ee ay ku leeyihiin biyaha Gacanka Carbeed oo marin u ah Maraakiibta ganacsi ee u kala goosha daafaha dunida, isagoo xusay in ka socdaan dagaallo iyo colaado ba’an oo ay ku hoobteen dad badan oo shicib ah dhinacyada Koofurta iyo Galbeedka ee xuduudaha Somaliland.
Waxa kale oo uu Madaxweynuhu ku sheegay qoraalkiisa sida uu u sare ugu socdo ee uu usii kobcayo dhaqdhaqaaqa Ciidan ee uu ka wado dalka Shiinuhu dalalka deriska la ah Jamhuuriyadda Somaliland, sidaa awgeed Madaxweynuhu waxa uu daboolka ka qaaday in aanay labada ergay ee uu dhawaan usoo magacaabay mandaqadda aanay buuxin karin kaalinta laga rabay, taa beddelkeedana ay uga wanaagsanaan lahayd,ugana waxtar badan lahayd isagoo ku yeesho gobolka cid ay wax wada yeeshaan.
Qoraalkaai waxa uu ahaa mid ka mida garaacista albaabada diblomaasiyadeed ee ay Somaliland ugu muujinayso Caalamka, in dalkan Jamhuuriyadda Somaliland yahay dal jira oo madaxbannaan oo iskii ugu taagan cagihiisa muddo SODDON sannadood ah, isla markaana uu diyaar u yahay cid kasta oo dano ku leh Gobolkan inay wax wada qabsi iyo xidhiidh siyaasadeedba ka yeedhaan, iyadoo laga duulayo danaha wada jirka ah ee ay iska kaashan karaan labada geesood, sidoo kalana ay marxaladdan siyaasadeed ee ka jirta Gobolka ay muhiim u tahay Mareykanka iyo Somaliland inay iska kaashadaan.
Waxa xaqiiqo ah in sannadihii u dembeeyey ay kor u kacday siyaasadda arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Somaliland, taasoo ay sabab u yihiin wada jirka shacbiga iyo nabadgalyada iyo xasiloonida ka jirta dalka oo sugiddeeda iyo ilaalinteedba hareeraha laga wada taagan yahay Dawlad iyo shacbiba, waxanu qoraalkani ka mid ahaa farriimaha kala duwan ee la gaadhsiinayo dalalka dunida, si loo meel mariyo aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland.
QORE:- CABDILLAAHI AADAN CUMAR [ WAYAB ]