Horumarinta Af-Soomaaliga Soomaalilaan Ayaa Dayacday.
Nin baa laga hayey “Urna loo dhimay ufna odhan kari mayno”. Intii u dhaxaysay 1996 ilaa 2021-kan aynu jirno waa 25 sanno oo ay Soomaalilaan nabad waarta ku jirtay, weli lama hayo intii xukumaadood ee mudadaasi oo jirtay inay maalin ku fikireen horumarinta Afsoomaaliga. Sannad kasta bisha labaad ee Fabarwari 21-keeda waxa la xusaa maalinta qorista Afsoomaaliga, waxa ilaa hadda Hargaysa lagu qabtaa xaflad kooban oo dhawr qof ka dhex tororogta guraan. Hadda Soomaalilaan waa meesha ugu habboon ee Afsoomaaliga lagu horumin karo marka la eego shantii Soomaaliyeed ee dawladnimada ku kala tegay, balse afku ka dhexeeyo. Bishii ugu yaraan saddex buug ama afar buug oo cusub ayaa lagu soo bandhigaa gudaha magaalooyinka Soomaalilaan. Bandhigyada buugaagta ee ka kala dhaca magaalooyinka Soomaalida sida Jabuuti, Muqdisho, Garoowe iyo Jigjiga waxa camira buugaagta laga keeno Soomaalilaan. Fursadaasi ayey xukuumadihii kala dambeeyey ee Soomaalilaan dayaceen inay guddi horumarineed u magacaabaan Soomaalilaan. Waxa ay dayaceen inay ururiyaan dhammaan abwaannada Soomaalilaan iyo qorayaasha oo ay ururo iyo xafiisyo u furaan. Waa taa kolba abwaan ama qoraa caan ah looga gacan haadinaayo Muqdisho, oo markuu warku soo baxo ay qayladu yeedhayso. TASHAN WEYDEE WAA LAGU TALIN.
Dedeellada Dawladda Jabuuti
Dawladda Jabuuti gaar ahaan madaxweynaha ayaa inta badan ah kan ugu mudan ee u taagan u hiillinta Afsoomaaliga cid waayey. Waxa wax loo dhigaa aanay jirin xuskii heerka qaran ahaa ee uu madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle u qabtay sannad-guurradii 40-naad ee qoristii Afsoomaaliga ee ka dhacday isla Jabuuti. Wuxuu casuumad u fidiyey madaxweyneyaashii Soomaaliya, Soomaalilaan iyo Kililka Shanaad ee Itoobiya oo dhammaantood ka soo qaybgalay xuskaasi. Soomaalilaan waxa uga qaybgalay madaxweyne Siilaanyo, halka Soomaaliya uu uga qaybgalay madaxweyne Xasan Sheekh. Intii ay garan waayeen ayuu madaxweyne Geelle gartay. Ururuka Qalinleyda “Somali pen” ayaa Jabuuti ka jiro oo uu fikirkiisa iyo hirgelintiisa lahaa madaxweyne Geelle.
Khudbado kala duwan ayey madaxdu jeedisay oo u badnaa sidii Afsoomaaliga loo horumarin lahaa, hasayeeshee aan afka baarkiisa dhaafsanayn. Khuburo iyo aqoonyahanno isugu jira Soomaali iyo shisheeye ayaa xuskaasi ka qaybgashay, waxaana ka mid ahaa: Prof. Cabdalla Maansuur, Abwaan Maxamad Ibraahim Warsame “Hadraawi”, Dr Maxamad Daahir Afrax, Boobe Yuusuf Ducaale, Pr. Giorgio Banti, Aw-Jaamac Cumar Ciise AHN, Xuseen Sheekh Axmad “Kadare” AHN, Axmad Faarax Cali “Idaajaa”, Dr.Jaamac Muuse Jaamac, Cabdillaahi Sheekh Axmed, Cabdillaahi Macallin “Dhoodaan” AHN, Xasan “Ganey”, Pr. Annarita Puglielli, Xasan Cabdi Madar, Axmed Aw Geeddi, Maryan Caarif, Aamina Muuse Weheliye, Siciid Saalax Axmed, abwaan Yuusuf Shaacir, Seynab Daahir, iyo qaar kale oo badan.
Talo soo jeedin:
Haddii la doonayo in afka la horumariyo, waxa la sameyn karaa guddiyo ka kala socda shantii Soomaaliyeed ee dawladnimada ku kala tegay. kuwaasi oo kala ah:
= Guddiga horumarinta Af-Soomaaliga Soomaalilaan
= Guddiga horumarinta Af-Soomaaliga Jabuuti
=Guddiga horumarinta Af-Soomaaliga Soomaaliya
= Guddiga horumarinta Af-Soomaaliga waqooyiga Kiiniya
= Guddiga horumarinta Af-Soomaaliga Kililka shanaad
shantaa guddi ayaa iska soo dhexsaaraysa guddi guud iyaga oo xambaarsam dawladihii ay ka tirsanaayeen magacoodii, si meesha looga saaro guddi ay dawlad gaar ahi tunka ku sidato. sidaasi ayey guddigu hawshooda u galayaan oo ay kolba meesha ay doonaa shir ku qabsanayaan.
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, Qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan.
Calicoomay@gmail.com