Dukaamo Ay Somali Leeyihiin Oo La Boobay kadibna Dab Laqabsiiyey Dalka Koonfur Afrika

Rabshado xoogan Iyo Dilal Goordhaweyd Ka Dhacay Degaanka KwaNobuhle township Ee Gobolka Eastern Cape ee dalka Koonfur Afrika,   waxaa la xaqiijiyay in la boobay Ilaa 7 dukaan oo 3 kamid ah ay Ganacsato Soomaali leeyihiin Halka 4 kale ay leeyihiin ganacsato ethiopian ah.

Dukaamaha qaar markii la boobay kadib Dab ayaa la qabadsiiyay ,Sababta ka dambeeysay rabshadaha ayaa la sheegay in mid kamid ah ganacsatada ajaanibta gaar ahaan ganacsatada ethiopian ah uu Toogasho ku dilay mid kamid ah dadka degaanka halka wararka Qaarne ay sheegayan in ninka la dilay uu kamid ahaa kooxo gangs ah oo xaafadda degan.

Wararka ayaa sheegaya in Toogasho kale oo dhacday lagu dilay labo qof oo ajaanib ah oo kamid ahaa ajaanibta ganacsiyada ku leh KwaNobuhle Kuwaa Oo lagu toogtay dukaan ay joogeen Waxayna kaso jeedan ethiopian
Ciidama Boolis oo badan ayaa kusii ququlaya KwaNobuhle township si ay u dajiyaan Xaalada kacsan ee degaanka ka jirta.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker