Maraykanka oo Ukraine siinaya hub mamnuuc ka ah 100 waddan
Maraykanka ayaa qorsheynaya inuu xirmo gantaalo ah u diro Ukraine si uu uga caawiyo dagaalka ay kula jiraan Ruushka, sida ay sheegtay warbaahinta Maraykanka.
Ukraine ayaa hubkaan dalbaneysay muddo bilooyin ah oo ay ay haystay rasaas yari.
Hubkaan oo laga mamnuucay in ka badan 100 waddan ayaa ah nuuc hub oo ka kooban babooyin dhawr jeer laba qarxa.
Madaxweyne Biden ayaa la filayaa inuu goor dhaw ku dhaaqo bixinta xirmadaan, sida ay sheegatay warbaahinta CBS ee ay wada shaqaynta leeyihiin BBC da.
Saraakiisha Maraykanka ayaa muddaba ka caga jiday in ay hubkaan bixiyaan maadaama ay ka baqdin qabeen in uu dad shacab ah waxyeelo.