Talyaaniga Oo Gacanta Ku Dhigay Hub Ay Ku Jiraan Gantaalaha Lidka Diyaaradaha.

Booliska Talyaaniga ayaa sheegay inay baadhitaano ku heleen Gantaalladda Lidka Diyaaradaha, Boobayaasha Fudud iyo Qalabka laga tuuro Gantaalladda.

Hadal ka soo baxay Booliska dalkaasi ayaa lagu sheegay in hubkaasi la soo qabtay, xilli baadhitaan lagu hayey Kooxaha Xag-jirka Naasiyiinta cusub ee Midigta Fog ee deggan magaalada Turin ee dalkaasi, iyadoo hubkaasi laga helay Murashax ka tirsan Xisbiga Fashiistaha ee Forza Nuova Party.

Hubka la soo qabtay ayaa waxaa ka mid ahaa Qoriga Boobaha ee lagu magacaabo Scorpion, 306 qoryaha fudud, , 20 Baynaat iyo 800 xabbo ee rasaas kala duwan.

Waxaa kaloo la qabtay Gantaalladda Mantra Super 530 F Missiles ee lagu farsameeyo dalka Faransiiska, balse ay lahaayeen Ciiddanka dalka Qatar iyo qoryaha darandooriga u dhaca oo casri ah (The latest generation automatic assault rifles”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker