Saddex Xildhibaan Ee Xisbiga UCID Uga Soo Baxay Gobolka Saaxil Oo Dhabarka U Jeediyey Xisbigoodii

Saddex Xildhibaan ee Golaha Wakiillada Gobolka Saaxil uga soo baxay Xisbiga UCID, ayaa la sheegay inay u dhabarka ujeediyeen Xisbiga ay ka soo baxeen ee UCID,kuwaas oo ay ugu dambaysay maalintii lagu dhawaaqay natiijadda hor-dhaca ahayd ee doorashada Golaha Wakiillada Gobolka Saaxil,iyagoo aan ka soo qayb-gelin kullanada Xisbiga UCID uu la yeeshay Xildhibaanada u soo baxay ee Golaha Wakiillada,

Xildhibaaanada Golaha Wakillad ee Xisbiga UCID uga soo baxay Gobolka Saaxil ayaa la sheegay in aanay sidoo kalena ka soo qayb-gelin kullanadii Xildhibaanada UCID iyo WADDANI ay wadda yeesheen iyo shirarkii Isbahaysiga Mucaaradka Somaliland uga socday Hargeysa.

Dhanka kalene Saddex-dan Xildhibaan ee Xisbiga UCID uga soo baxay Golaha Wakiillada Gobolka Saaxil,ayaa kale ah Xildhibaan Cali Jaamac Caraale Barre (Cali Qaran) Xildhibaan Maxamed Jaamac Liibaan Cawaale iyo Xildhibaan Mubaarik Xuseen Maxamed ( Xeel-dheere ),lama ogga sababta rasmiga ah ee ay uga soo qayb-geli waayeen kullanada Xisbigii ay ka soo baxeen ee UCID.

Geesta kalena xoggo hoose oo Wargeyska Waaberi helay ayaa sheegay in Xildhibaanada Xisbiga UCID uga soo baxay Gobolka Saaxil ay uga baaqdeen shirarka Xisbiga Xidhiidho ay la yeesheen Xisbiga KULMIYE iyo heshiisyo hoose oo la lageleen, kuwaas oo ku amray in aanay ka qayb-gelin shirarka Xisbigii ay ka soo baxeen ee UCID,isla markaana ay xidhiidhka u jaraan.

Ma jiro wax ar ah oo amuurtan ku saabsan oo ka soo baxay Xisbiga UCID,marka laga tago xoggahan xaqiijiyey in aan Xildhibaanada Golaha Wakiillada Gobolka Saaxil uga soo baxay Xisbiga UCID ay dhabarka ujeediyeen Xisbigii ay ka soo baxeen,isla markaana ay diideen inay ka qayb-galaan kullanadii Xisbigu uu la yeeshey Xildhibaanadiisii Golaha Wakiillada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker