Xukuumada Soomaaliya oo Gaashaanka ku Dhufatay Wararka Sheegaya inay Ciidamo dul dhigtay Guriga Ex-Madaxwayne Sh Shariif

Muqdisho (OWN) – Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa sheegay inaysan jirin Ciidamo la dul-dhigay Guriga Ex  Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

 

Ducaale oo Qoraal soo dhigay facebook ayaa yidhi “Ma jiro ciidan dowladeed oo la dul dhigay ama weerar ku ah Madaxweynihii hore Sheekh Shariif oo naga wada mudan ixtiraam.”

 

Warbaahinta Maxaliga ah ee Muqdisho ayaa Shalay Qortay inay  jirto Xiisad ka dhalatay Ciidamao Xukuumada federaalka ah ee Somalia dul dhigtay Guriga Madaxwaynihii hore ee Somalia Sh Shariif sh Ahmed.

Hase yeeshee qaar ka mid ah Xildhibaanada Madasha Xisbiyada Qaran ayaa maanta sheegay in ciidamo la dul dhigay guriga Shariif.

 

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa yidhi “Ciidamada Madaxweyne Farmaajo habeenadan dul dhigtay  guriga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif waa dhiilo Colaadeed oo aan laga fiirsan, cawaaqib xumada ka dhalatana Mas’uuliyadeeda waxaa qaadaya Madaxweyne Farmaajo.”

Sidoo kale xildhibaan Fiqi ayaa yidhi “Guriga Sheekh Shariif Sheekh Axmed madaxwaynihii hore ee dalka ahna guddoomiyaha madasha xisbiyada qaran oo habeenadaan danbe ciidamadii Eritrea lagu soo tababaray ay daandaansiga agagaarka gurigisa ku samaynayeen ma waxaa gashay doorashadii 2020/2021.

 

 

Mise hawlgalkii muddo kororsigii Maxaxweyne Farmaajo raadinayey ayaa laga Baadigoobayaa oo ku dhuuntay? Midday ahaataba ma ahan tallaabo Wanaagsan ama dhaqan Dawladnimo, waxaan kula talinayaa madaxweyne Farmaajo In uu joojiyo daandaansiga iyo Abuurista xaalad Dagaal oo aan hadda taagnayn oo Cidhibteeda  danbe aan la mahdin doonin!

 

 

Si kastaba Ducaale ayaa yidhi “Waxaan caddeynayaa in warkaasi yahay been abuur aan sal iyo raad lahayn oo ay wadaan dad ujeedkoodu yahay fitno iyo colaad abuur. Waxaan ugu baaqayaa Soomaalida iyo gaar ahaan dadka mas’uuliyiinta ah inay iska hubiyaan wararka ay bulshada la wadaagayaan ee keeni kara kicin colaad iyo Amni darro.”

 

 

Warar goor dambe ay heshay  Oodwaynemedia ayaa sheegaya in ciidamadaas ay meel u dhow guriga Shariif ka sameynayeen baadhitaano la Xidhiidh hoobiyeyaal dhowr habeen ka hor laga shakiyey in laga soo tuuray, taasi oo laga yaabo inay kala shaki dhalisay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker