Muxuu Daarnaa Hubkii Cuslaa Ee Madaxweynaha Puntland Kala Degay Madaarka Muqdisho

Waxaa dad badan ka yaabiyey ciidamadii aadka u hubeysnaa iyo hubkii cuslaa ee ay sideen ee uuu madaxweynaha Maamul Goboleedka dalkaasi Soomaaliya ee Puntland Saciid Cabdillahi Deni la tagay magaalada Muqdisho, oo uu kaga qeyb galayo shir ku saabsan doorashooyinka dalka khilaafyadu ragaadiyeen ee Soomaaliya.

Siyaasiyiin iyo xildhibaano maamulka Muqdisho ka tirsan ayaa aragtiyo ka bixiyey hubkan culus iyo ciidanka badan ee uu Saciid Deni la tagay magaalada Muqdisho, iyaga oo ku macneeyey inay tusaale u tahay sida ay madaxda dalkaasi Soomaaliya u kala aamin baxeen iyo halka uu khilaafka u dhaxeeyaa ka gaadhay.

Wasiirkii hore ee qorsheynta Dawladda Beesha caalamku ilaaliso ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Ceynte ayaa qoraal uu soo saaray bartiisa Facebook waxa uu ku yidhi “Ciidankaas xooggan ee uu madaxweynaha Puntland, Mudane H.E Said Abdullahi Deni usoo kaxeystay Xamar, isagoo waliba shir uga qaybgalaya gudaha Xalane, wuxuu tusaale u yahay kalsooni darrada iyo is-aaminaad la’aanta ka dhex jirta madaxda dalka.”

Waxa uu intaas ku daray “Afar sano kahor xilligii ay madaxda qaranka iyo madaxda dowlad goboleeyadu kulmi jireen isla markaana iska qancin jireen hannaanka doorashada, madaxweyne Axmed Madoobe wuxuu aalaaba ku dagi jiray xarunta hey’adda nabadsugidda ee NISA. Madaxweynihii hore ee Puntland, wuxuu isna dagi jiray mid kamid hoteellada Muqdisho. Madaxda dowlad goboleeyada kalena guryo ayay Xamar ka degganaayeen. Jawi kalsooni iyo wada shaqeyn ayaa jiray. Maantase Xamar waxay noqotay halaq mareen aan la isku aamini karin, maadaama uu ka taliyo madaxweyne muddo xileedkiisu dhammaaday oo doonaya inuu agaasimo doorasho uu natiijadeeda sii ogyahay, sida uu yeelay dowlad goboleeyada uu ka taliyo. Waanse hubaa in shacabka Soomaaliyeed aysan aheyn kuwa xoog iyo xoolo lagu heysan karo.

Dhinaca kale Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa oo ka tirsan baarlamanka dalkaasi Soomaaliya ayaa isna yidhi “Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday oo Villa Somalia sharci darrada iyo xoogga ku fadhiya waxa uu sababy in la kala aamin baxo qof walba intiisa ku tashto. Waxaa dalka loo dhiibay afar sano ka hor ayada oo Soomalida dhami ay u dhantahay doorashadii asaga lagu doortay. Asaga hadda waxaa ka go’an laba midood: doorasho beenaad oo uu hubo natiijadeeda inuu qabsado ama in uu sharci darradaas isaga sii joogo. Waxaan leenahay labadaas midna kuu socon mayaan ee ummadda la heshii inta wali fursaddu furantahay.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker