Qareenka Donald Trump Oo Laga Xanibay Ruqsadii Shaqo Arimo la Xidhiidha Doorashadii Mareykanka ee 2020.
Gobolka New York ee dalka Mareykanka ayaa xannibay rugsaddii shargi ee uu ku shaqeysan jiray Rudy Giuliani oo ah qareenka madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, kaddib markii maxkamadda racfaanka ee gobolkaas ay ogaatay inuu been ka sheegay doorashadii Mareykanka ee 2020.
Giuliani oo 77 jir ah ayaa sheegay in doorashadan laga xaday Donald Trump, haye yeeshee maxkamadda racfaanka ayaa sheegtay in been abuur cad iyo marin habaabin’ uu ka sheegay doorashadii uu ku guuleystay madaxweynaha xisbiga Dimoqraadiga ee Joe Biden.
Maxkamadda ayaa soo xigatay hadalkii Madaxweyne Joe Biden ee ahaa “Dalkan waxaa kala dhantaalaya weerarada joogtada ah ee lagu qaadayo saxnaanta doorashadii 2020 iyo madaxweynaheenna hadda, gaar ahaan hadalldada beenta ah ee uu sheegayo (Giuliani), isagoo ku shaqeynaya awoodda qareennimo, isla markaana dhawaqiisa meeldheer geynaya. Waxyeella weynna waa geystay”
Maxkamada racfaanka ayaa sheegtay in hakinta kumeelgaarka ah ee Giuliani ay isku bedeli karto in si buuxda shatigiisa sharciga looga xayuubiyo.