Dowladda Canada Oo Sheegtay Inay Qaadanayso Qaxooti Somali Ah

Dowladda Canada ayaa sheegtay, in ay dib u-dejin u samaynayso in ka badan 240 Qaxooti ah oo sharci la’aan ku haysato waddanka Australia.

Qaxootigan oo u badan Soomaali, ayaa ku dayacan gudaha Australia iyo jasiiradda Papua new guinea, kadib markii dowladda Australia u diiday in ay aqoonsi siiso.

Dowladda Canada oo kaashanaysa hay’adda Qaxootiga adduunka ee UNHCR, ayaa sheegtay in ay qaabilayso dhammaan Qaxootigaas sharci la’aanta ku ah Australia.

Go’aankan ay ku dhawaaqday Canada waxa soo dhoweeyay Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan waddanka Australia.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker