“Sucuudigu Waxa Uu Joojiyay Xoolihii Uga Iman Jiray Dibada”” Wasiir Siciid Sulub
Wasiirka xanaanada xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga Somaliland Siciid Sulub Maxamed ayaa sheegay in Sucuudigu uu iska joojiyay guud ahaan xoolahii ugu imanayay dalalka adduunka oo ay ku jirto Somaliland iyagoo ka taxadaraya caafimaadkooda madama uu jiro xanuunka Coronavirus kaas oo sababay Sucuudigu joojoiyo xujeydii ka imanaysay daafaha adduunka.
Wasiirka xanaanada xoolaha ayaa intaa ku daray in xoolaha Somaliland dhiifin jirtay loo joojiyay xanuunka covid-19 ee aan loo joojin caafimaadka dhanka xoolaha laftooda.