Iiraan Oo Burburisay Labo Weerar Oo Lagaga Soo Qaaday dhanka Akoonadeedea Internetka
Dowladda Iran ayaa fashilisay weerar labaad oo dhanka internet-ka ah , muddo toddobaad gudihiis ah,waxaa sidaasi sheegay wasiirka isgaadhsiinta ee Iran .
Maxammad Javad Azari-Jahromi ayaa sheegay in weerarkan lala bartilmaameedsaday nidaamka Electrooni-kada ah ee dowladda.
Wasiirka wax faahfaahin ah kama bixin weerarkan iyo sida uu u dhacay.
Arbacadii ayay ahayd markii ay Iraan ku Andacootay in weerar kan la mid ah lagu soo qaaday.
Bishi June ee sanadkan nidaamka hubka Iran ayaa waxaa lala bartilmaameedsaday weerar dhanka internet-ka ah ,sida ay sheegeen warbaahinta Mareykanka.
Mr Jahromi ayaa arrintan ku baahiyay barta tweeter-ka toodobaadkan.
Waxuu sheegay in nidaamka casriga ah ee dhanka tiknoolajiyada Iran ay ka hortageen weerarka sumadiisu ahayd APT27 kaasi oo ay khubaradu la xiriiriyeen in ay ahaayeen burcad ku hadlaysay afka Shiinaha.
Isaga oo aan wax faafahin ah ka bixin ayuu wasiirka isgaarsinta Iran sheegay in saafarkii iyo burcaddii weerarka soo qaaday “la baadigoobay”.
Arbacadii aanu soo dhaafnay ayuu, Mr Jahromi u sheegay wakaalada wararka ee Iran ee Irna in”weerar ballaaran oo dhanka internet-ka ah lala bartilmaameedsaday kaabayaasha electarooni-kada ee Iran.
Maalin ka hor waxaa uu wasiirka beeniyay warar sheegayay in malaayiin akountiyada bangiyada Iraan la jabsaday.
Sida uu qoray wargeyska Washington Post weerarkii bishii June ayay Mareykanka fuliyeen ka dib markii uu madaxwayne Trump ka noqday weerarkii dhanka cirka ahaa ee Iran lagu qaadi lahaa.
Waxaa weerarkaasi dhanka internet-ka ay Mareykanka ku curyaamiyeen nidaamkii Kombuyuutaradii hagayay madaafiicda iyo gantaalada Iran.
Marykanka ayaa xilligaasi ka aargoosanayay Iran ka dib weerar lagu qaaday diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn oo uu Mareykanka lahaa islamarkana ay Iran soo rideen.
Mareykanka ayaa imika lagu wadaa in ay cunaqabatayn dheeraad ah ku so rogaan Iran taasi oo uu madaxwayne Trump ku tilmaamay “mid ballaran “.