Shil Gaadhi Oo Ka Dhacay Bariga Magaalada Hargeysa
Duleedka Bari ee magalada Hargeysa waxa ka Dhacay Shil Baabuur oo uu sababay laba gaadhi oo noocoodu yahay Booyad iyo Vitz (Tukhaan) .
Ma jiraan wax dhimasho ah balse Dhaawacyo soo gaadhay dadkii saarna labada Gaadhi ayaa loo qaaday Dhakhtarka Guud ee Hargeysa.
Booyadaha biyaha u dhaamiya caasimadda Hargeysa ayaa lagu eedeeyaa inay xawaare sare ku socdaan mar walba waana gaadiid inta badan sababa shilal dhibaato badan dhaliya.

