Xukuumadda Somaliland Oo Soo Qabatay Harimacad Yaryar Oo Lagu Haystay Gobolka Awdal

Wasarada Degaanka Iyo Horumarinta Reer Miyiga Somaliland Ayaa Gacanta Kusoo Dhigay Hariimacado dhalal ah oo sifo sharci daro ah lagu soo ugaadhsaday, laguna haystay.

Wasaaradda oo toddobaadkii ugu dambaysay hawlgalo ka waday degmooyinka gobolka Awdal hoos yimaada, isla markaana dedaalo ugu jirtay sidii loo xoojin lahaa ilaalinta degaanka iyo duur joogta ayaa gacanta ku dhigtay maanta harimacado yar yar oo si sharci daro ah loo haystay.

 

Waxa ka hadlay Harimacadkan yar yar ee ay wasaaradda Degaanka iyo Horumarinta reer miyigu soo qabatay agaasimaha waaxda duur joogta wasaaradda Cabdinaasir Xuseen Siciid, waxaanu ka waramay hawlgalkan ay kusoo qabteen duurjoogtan, waxaanu tilmaamay in toddobaadkii ugu dambeeyey ay sameeyeen hawlgalo ay ku qab qabanayaan duurjoogta sifada sharci darada ah lagu haysto, waxaanu cadeeyey in sharciga la marin doono cid walba oo lagu qabto iyada oo sifo sharci daro ah ku haysata duur joog.

 

Waxa isna dhinaciisa halkaas ka hadlay isu duwaha wasaaradda ย degaanka iyo horumarinta reer Miyiga Somaliland ee gobolka Awdal Daahir Axmed Qoloombi oo ka warbixiyey hawlgalo ay ka sameeyeen degaanka Xariirad oo ay kusoo qab qabteen duur joog si sharci daro ah loo haystay, waxaanu sheegay in ay qabteen ugaadh dhalal ah oo degaankaasi laga soo qaatay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker