Waxbarashadda Loo Socdo (Q4aad): “Waxbarashada Masaafada Fog””Online Education”

Waxbarashadda Dalkeennu waa in ay noqotaa mid wax hoggamineysa ee aanney innaga noqon  ganacsi iyo wax ilmaheenna la iska geeyo uun dugsiyada,waxbarashaddu waa in ay dalka u jiheysaa mustaqbalka uu higsanaayo dhanka caqliga bulshadda iyo qalabadda la isticmaalayo intaba,qasab maaha in aan u afduubnaano nidaamkeedii dhaqamiga aha ee soo jireenka ahaa uun.waxbarashaddu waa in ay noqotaa unnuga hal-abuurka iyo horumarinta ee bulshaddeena,haddii nidaamka waxbarashaddeenu uu yahay mid adag oo qaab tayo leh u socda,kama cabsooneyno isbeddelada mustaqbalka dhacaaya.

waxbarashada “Online Education” ee sida tooska ah loogala socdo khadka internetka iyo xidhiidhada kale ee masaafada fog,waa nidaam waxbarasho oo furan isla markaasina jaamacaddo badan nidaamkooda waxbarasho qeyb ka ahaa,maantaase la wada arkey,Markii dadkii  xorriyaddoodi  isku-socodka la xaddidey iyo isku so dhawaanshahoodii.Dad baa siddani  wax ku dhigan Jirey,Dad baa siddani jaamacaddo kula xidhiidhi jirey sannado badan,oo weliba Wadanka inala joogaa.kuwii horre wax u soo bartey,kuwa shaqeynaaya,kuwa da, ahaan weynaadey,kuwa ka mashquulsan in ay fasallada soo xaadiraann,kuwa kharash yar waxbarashada ku bixinaaya,ayaa nidaamkan meelo badan wax ku bartay,shahadooyina ku qaatey.in badan siddani ayey waxbarashadda ku heleen,haddii innaga ay xaalladi innagu qasabtey,wareyso kuwa hadda koorasyo kala duwan,jaamacaddo dibadda ah ka wada ee dalkanna inala joogga,wareyso kuwa iyaga oo halkan joogga imtixaannaadka la soo diro bartani ku gala,wareyso kuwa badane ee khadka tooska ah iyo masaafada fog ay is weheshadaan.

Tiknolojiyadda ayaa inoo saamaxdey in aan maanta wax kasta iskeen u baran karno,iyada oo aan wax macallin ahi ina tilmaameynin,Dhab weeyi Waxbarashaddu ma socon karto haddii aannu macallinku hageynin,dhab weeyi in Macallinku yahay midka u dhaxeeya ardeyda iyo Aqoonta la baraayo ee isku xidhaaya,hase ahaate Tiknolojiyaddu waxa ay inoo saamaxdey in aan waxbarano iyada oo aan macallinka loo baahneyn.khadka internetku wuxuu inoo sahley in aan helo cilmiyada tooska looga qaato jaamacaddaha iyo dugsiyada,wuxuuna inoo fuddudeeyey in aan oggaano ilbaxnimooyinkii la soo marey,wax kastana hawada iyo daruuraha ayuu inoo dhigey.

 

La  soco Qeybta Dambe (q5aad)………waxaan is weydiin doonna si rasmi ahh mustaqbalka nidaamkan cussubi ma uga dhaqan geli doonaa

 

 

Abdifataah M.Ahmed

ceelaabe_10@hotmail.com

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker