Shir-gudoonka jaaliyada qurbajooga G/Sanaag Oo Qodobo Kasoo Saaray Wadatashi Ay Sheesheen
Shir-gudoonka jaaliyada qurbajooga G/Sanaag ee Yurub, Noord America, Ostereeliya iyo waddamada Khaliijka, markii ay yeesheen wadatashi iyo shirar isdaba-joog ah, waxa ay isku waafaqeen qodobadan soo socda:
Wax-barashada
Goluhu waxa uu si kulul uga daraan celinayaan qaabkii loo maareeyey deeqdii waxbarsho ee Itoobiya ugu deeqday Soomalilaand. Waxa uuna si buuxda u taageerayaa dareenka iyo tabashada bulshada Gogolka Sanaag ee arintaa ku aadan. Khaasatan: golaha deegaanka, ururka ardayda, Jamicadaha, xildhibaan Baar saciid iyo cidkasta oo musuqmaasuqaa iyo sedbursigaa Gobolka lagu la kacay ka dareen-celisey.
Garsoorka Dalka
Goluhu waxa uu walaac iyo werwer ka muujinayaa garsoorka Dalka oo xaglin iyo xodxodasho siyaasadeed ka muuqato. Si khaas ahna waxa uu farta ugu fiiqayaa, habdhaqankii lagu la kacay muj. Axmed Cadib. Waxa uuna ku baaqayaa in si shuruud la’aan ah xuriyadiisa loogu soo celiyo. Lagana boogo dhayo hagardaamooyikii ka soo gaadhey arinkaa oo aan u aragno xadgudub, xabsi iyo xukun siyaasadaysan.
Nabadgelyada:
Goluhu waxa uu Dawlada iyo ciidamada qalabka sida uga digayaa gacan ka hadal iyo isku dhac hubaysan. Waxa uuna soo dhoweynayaa waxgaradka iyo waayeelka gobolka in arinka nabadaynta iyo nabadgelyada Gobolka loo dabo-fadhiisto. Si loo helo xalwaara oo ku salaysan wadatashi iyo isu-tanaasul qaranimo.
Horuumarka:
Goluhu waxa uu dawlada iyo wasaaradaheeda kaladuwan ugu baaqayaa xilkasnimo iyo saami qaybsi cadaalad ku salaysan. Khaasatan in dhegaha loo raariciyo tabashooyinka ka taagan Gobolada Sool iyo Sanaag oo keenikara kacdoon bulsho.
Waxa uuna soo jeedinayaa in la dardargeliyo kaabayaasha dhaqaale ee Gobolka. khaasatan: beeraha,Kaluumaysiga, Dekedaha iyo Waddooyinka halbawlayaasha ah.
Qoraal hakin
Shirguddoonku waxaa uu xubnihiisa qaarada yurub, Noorad Ameerika, Ustereeliya iyo waddammada Khaliijka ugu baaqayaa in hakad la lageliyo qorma qoraaladii haydaha iyo safaaradaha loogu talogalay. Waxa uuna qurbajoogta Gobolka ugu baaqayaa in la diyaariyo shir guud oo qurba-joogta ah.
Bulshada gudaha
Shirgudoonku waxa uu dhamaan bulshada Gobolka ugu baaqayaa isdhexgal, wax wada-lahaansho iyo in ay isu-taagaan danta-guud. Waxa uuna ka digayaa qoqob iyo kala-qaybin siyaasadaysan.
Shirgudoonka Qurbajoogta G. Sanaag
Allaa mahad leh.