Ciidamada Milatariga Kenya oo Dad Somalia ah oo Rayida ku Laayay Deegaanka Ceelwaaq

Garbahaarey (OWN)ย โ€“ Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamada Kenya ee ku sugan gobolkaasi ay dil iyo dhaawac dad shacab ah ugu geystay deegaanka Yeedow oo hoos yimaada degmada Ceelwaaq.

 

Ciidamada Kenya ayaa lagu soo warramayaa in howl-gal ay ka sameeyeen gudaha deegaankaasi, islamarkaana ay ku beegsadeen dad shacab ah.

 

Inta la xaqiijiyey ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay weerarkaasi, iyadoona ay ku dhaawacmeen 2 kale oo dhammaan ahaa dhalinyaro ka mid ah dadka deegaanka.

 

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in meydka marxuumka ay dileen ciidamada Kenyaย  iyo dhaawaca labada qof ee kale in ay horey u sii qaateen, sida ay inoo sheegeen dadka deegaanku.

 

Dadka aan la hadalnay ayaa sidoo kale tilmaamay in aysan jirin wax tuhun ah oo laga qabay dhalinyarada loo geystay dilka iyo dhaawaca, balse gar darro lagu soo weeraray.

 

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxaya maamulka gobolka Gedo iyo kan degmada Ceelwaaq oo ku aadan dhacdadaasi.

Inta badan ciidamada Kenya ayaa duqeymo uu khasaare ka soo gaadho dadka rayidka ah ka fuliyo gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker