Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL Oo Fariin U Diray Dhammaan Ururada Samofalka
Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa soo saarey Warqad ay ku socodsiinayaan Dhammaan Ururada Samofalka & Horumarinta ee Maxaliga ah iyo sidol kale kuwa Caalamiga ahba.
Warqadaas ayay ku xusan tahay Digniin ay uga digayaan Hay’adahani iyaga iyo hantida ah leeyihiinba sida Gaadiidka ay isticmaalaan inay ku lug yeeshaan Hawlaha Ololayaasha Siyaasadeed ee ay wadaan Axsaabta Qaranka iyo Musharixiintooduba. Sida uu xusayo Xeerka Doorashada, Xeer Lr. 91/2020 waxaa Urrurada Samofalka iyo Horumarinta ka reebban inay u ololeeyaan Musharixiin gaar ah ama Axsaab siyaasadeed.