Dowladda Britain oo Doorashooyinka Somaliland U Soo Dirtay Goobjoogayaal
Dowladda Britain, ayaa Somaliland u soo dirtay Kormeerayaal goob-joog ka noqda sida ay u dhacaan doorashooyinka Somaliland ee Gollayaasha Deegaanka iyo Wakiillada oo maalmo yar ka hadheen xilligii loo dareeri lahaa Doorashooyinka.
Kooxda kor-joogayaasha Caalami ah oo ay soo dirtay Waaxda Horumarinta iyo Qorshaynta ee Jaamacadda UCL ee Magaalada London, ayaa maanta soo gaadhay caasimada Somaliland ee Hargeysa, kadib markii Guddida Doorashooyinka Qaranka ku martiqaadeen in ay goob-joogayaal ka noqdaan doorashooyinka Somaliland.
Sida lagu sheegay Qoraal saxaafadeed ka soo baxay Kor-joogayaasha Caalamiga ah ee Doorashooyinka oo nuqul ka mid ah soo gaadhay Warbaahinta Hargeisapress, ayaa lagu sheegay in Kooxda Goob-joogayaasha Caalamiga ah uu maalgeliyay Xafiiska Horumarinta iyo Barwaaqo Sooranka ee Dalka Ingiriisku.
“Kor-joogayaasha waxa soo qabanqaabisay Waaxda Horumarinta iyo Qorshaynta ee Jaamacadda UCL ee Magaalada London. Kor-joogayaasha Caalamiga ahi waxa ay kormeeri doonaan doorashooyinka si waafaqsan Heshiiska Mabaadii’da Caalamiga ah ee Kor-joogayaasha Caalamiga ah, kuwaas oo awoodda saaraya dhexdhexaadnimada kor-joogennimada.
Kooxda oo 12 xubnood, ayaa markhaati ka noqonaya Doorashooyinka inta badan dib u dhacay ee Golaha Wakiilllada iyo doorashada saddexaad ee Golaha Deegaanka Somaliland ayaa qabsoomi doona 31-May,2021.
Kormeerku waxa uu noqon doonaa saddex qaybood. Qaybta koobaad, toddobaadyada ka horreeya inta la gaadhayo maalinta codbixinta, waxa ay kor-joogayaashu qiimayn doonaan, arrimaha Sharciga, ololaha iyo u diyaar-garawga doorashooyinka, taas oo ay samayn doonaan khubaro caalami ah oo aan dalka joogin oo ay caawinayaan khubaro dalka gudihiisa ku sugan oo la shaqaynaya. Qaybta labaad waa maamulka kor-joogayaasha iyo kor-joogayaal muddo kooban joogi doona dalka kana kala imanaya dalalka Masar, Itoobiya, Faransiiska, Jarmalka, New Zealand, Koonfur Afrika, Ingiriiska, Maraykanka iyo Saambiya, kuwaas oo kormeeri doona ololaha iyo u diyaargarawga doorashada toddobaadka ka horreeya doorashada. Waxa ay kormeeri doonaan cod bixinta, tirinta codadka iyo isu geynta tirada codadka ee meelo badan oo ka mid ah Somaliland intii suuragal ah. Doorashada ka dib waxa ay kormeerayaashu la sii socon doonaan xaaladda iyaga oo ay la shaqaynayaan wakiillo maxali ah iyo daneeyayaasha arrimaha Somaliland. Kor-joogayaasha caalamiga ahi waxay ay soo saari doonan war-bixin iyo talooyin la xidhiidha.