Shirka Golaha Wadatashiga Qaran Oo Maalintii Saddexaad Galay.
Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee shalay ka furmay magaalada Muqdisho ayaa maalintii saddexaad galay.
Shirkan oo Sabtidii ka furmay Teendhada Afisyooni una dhaxeeya dowladda federaalka Soomalaiya iyo madaxda maamul-goboleedyada ayaa waxaa looga hadlayaa dhammeystirka Heshiiska 17 September iyo in xal loo helo khilaafka ka taagan doorashada.
Waxaa xarunta shirka ku sugan oo ka qeyb galay madaxda mamaul-goboleedyada Jubbaland, Puntland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir, waxaana shir guddoominaya Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
Shirka oo ay albababada u xidhan yihiin ayaa waxay madaxdu ka doodayeen qodobbada turxaan-bixinta u baahan ee arrimaha doorashooyinka, waxaana la sheegay in laga sameeyay horumar wanaagsan. Iyadoo maantana ay sii socon doonto falanqeynta ajandayaasha horyaalla shirka.
Maanta ayaa la filayaa in laga soo saaro qodobbada lagu heshiiyay.